Total Pageviews

Monday, May 14, 2018

sadexdii qoraal ee ugu xiisaha badnaa aan akhriyey todobaadkan.

*Mahathir Mohamad ayaa loo doortay raysalwaraaha wadanka Malaysia oo da’diisu tahay 92 sano jir ,36 sano ayuu kawaynyahay madaxwaynaha Somalia farmaajo ,21 sano ayuu ka waynyahay madaxwaynaha maraykan Trump halka uu labo lab kawaynyahay raysalwaaraha Canada .

*Labo dhallin yaro ah oo isjecel oo ku kala nool maraykanka iyo Canada ayaa waxay isudireen 65 kun oo fariimooda “message”,halka ay 500 oo fariimood hal maalin isudiray sidaa waxaa sheegay police-ka phoenix.

*Harrison oo loo yaqaano “Man With the Golden Arm” ayaa 60 sano ahaa dhiig bixiye kaas uu ugu deeqi jiray caruurta yaryar yadoo 2.4 bilyan caruur ah ugu deeqay ayaa hawl gab noqday weegii aan soo dhaafnay .

Monday, May 7, 2018

Axmed madoobow af-macaanidaa !



Horjooge axmed madoobe waa nin wajiyo badan oo isbedbedel badan ,korka sare wuxuu uga muuqdaa nin ahlu-taqwo ah ,nin muwaadin ah ,nin ummadiisa jecel ,laakiin xumaha iyo waxyaalaha u qarsoon ayaa kabadan wuxuu afkiisa ka sheego ,marka layimaado goob fagaare ah oo masiirka soomaaliya lagaga hadlayo waa nin ugu qiirada badan uguna hadalka fiican laakin wixiisu waa afka ,wuxuu fuulay taangi Al-shabaab si uu xukun ugu helo ,wuxuu fuulay taangi Kenya si uu xukun u helo ,wuxuu dhuumasho iyo heshiisyo qarsoon ula lahaa Ethopia ,manta wuxuu ku jiraa fadeexado badan kuwaas oo ay kamid yihiin :dhuumashadii uu ku tagay imaaraatka sago laaluush kazoo qaatay ,wuxuu tegay Ethopia sago la kulmay madaxda Ethiopia waxaa soo dhaw doorashadii Jubba-land ,6 sano uu horjooge ka ahaa hal tallaabo hore umuu qaadin si uu indhaha dadwaynaha isaga jeediyo wuxuu dhuumasho ugu tagay wadaadkii ONLF ka tirsanaa ee qalbi dhagax kaasoo 8 bilood ee ugu danbeeyey xabsi guri ku jiray nagaalada Adis-ababa ,waa la ogaa in qalbi dhagax aanu xabsi kujirin laakin aanu xorriyad buuxda haysan ,laakiin booqashada horjooge axmed madoobe waxba soo kordhin mayso yaan lagu wareerin  



Abshir jama salah

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha