Total Pageviews

Wednesday, April 20, 2016

Xukun Jacaylka Afrikaanka "Qoraal Xiiso Badan



Madaxda afrikaanku waxay noqdeen dadka ugu xukunka dheer afrika ,tusaale ahaa hogaamihii liibiya kursiga wuxuu ku fadhiyey 42 sano,qoraalkan hoose waxaanu ku eegin kuwa hada xilalka haya doonayana inay mar kale isa soo sharraxaan amaba ku guulaystay doorashadii markale ,waxaan soo qaatay qayb kamida waa ka badanyihiin tiradan waa cudur afrika u khaas ah.
Tusaale



1:Muammar Al-Gaddafi -Libiya "1969-2011" 42 sano


2:Roberti Mugabi -Zimbabwi "1986-2016" 29 san


3:Imail Omar Gelleh -Jabuti "1999-2016" 17 sano


4:Yuweri musseveni -Uganda "1986-2016" 30 sano


5:Denis sassau Nguesso -Republic of congo "1997-2016" 19 sano


6:Idriss Deby -Chad "1990-2016" 26 sano 


7:Thomas Boni Yayi - Benin "2006-2016" 10 sano


8:Teodoro Obiang Nguema -Equatoria Guinea "1979-2016" 37 sano


9:Yahye Jammeh -Gambia "1994-2016" 22 sano


10:Joseph Kabila -D.R of congo "2001-2016" 15 sano


11:Hosni Mubarak- masar "1981-2011" 30 sano
,
By abshir jama salah

Thursday, April 14, 2016

B A R O A D U U N K A "Dhulka " Q.1AAD



Dhulku waa meeraha sadexaad ee meerayaasha,waa meeraha qudha ee nafluhu ku noolyihiin ,waa meeraha qudha ee aan magaciisa lagasoo qaadan luuqada giriiga "Greece". Luuqad kasta waxay u taqaan eray khaasa tusaale ahaan:
 Soomaali "Dhul" ,Carabi "Ardu", Ingiriisi "Earth" ,Noorwayj "Terra", Giriig "Era", Jayniis "(Dìqiú)" ,Jabaaniis "(Chikyū)".
 Muuqaalka dhulku waa wareegsanyahay laakin maaha qaabka Kubbada oo kale laakiin wuxuu u muuqaal eeg yahay Ukunta "Egg",ama " spherical". Bedka oogada dhulka waxaa lagu qiyaasaa inuu yahay "509 600 000 square km (197 000 000 square miles)",Dhulka waxaa berri ah 29%, oo dhiganta "148 326 000 km2(57 268 900 square miles), waxaa biyo ah 71% oo udhiganta "361 740 000 km2(139 668 500 square miles), 97% waa biyo dhanaan "Salt water" ,3% waa biyo macaan "Fresh water".
 Walxaha curiyaasha ah ee dhulka oogadiisa ugu badan ee laga helo waa "Oxygen,Silicon, Aluminum, Iron, Calcium, Sodium, Potassium, Magnesium, Nickel and Carbon".
Meesha caalamka ugu dheer waa buuraha "Mount Everest" kuwaas oo dhaca loolka iyo dhigaha (Latitude 27° 59' N - Longitude 86° 56' E ), waxay badda joog ahaan kasarreeyaan buurahaasi "8850 meters (29,035 feet)".
Shayga ugu qaalisan ee aduunka dushiisa waa Biyaha "Water".
Luuqadaha aduunka lagaga hadlo waa farabadanyihiin laakiin waxaa lagu qiyaasaa 6,900 "Lix kun iyo sagaal boqol oo luuqadod". Dadka kunool aduunka waxaa lagu qiyaasaa todoba "7" bilyan "7 billion " oo qof Qaaradaha aduuna :- Qaaradaha aduunka waa 5-7 qaaradood, mar waxaa lagu sheegaa shan "5" marna lix "6" iyo mar todobo "7" lagu sheego
 Tusaale:-
 1: Todobada "7" marka lagu sheego waa "Africa,Asia,Australia ,North America,South America, Antarctica, iyo Europe.
 2: Marka lagu sheego lix "6" waa marka ameerikada laga dhiga hal qaarad "Africa,Asia,Australia, America , Antarctica, iyo Europe".
 3:Marka lagu sheego shan "5" waa mark qaarada lama degaanka ah laga reebo ameerikana hal qaarad laga dhigo "Africa,Asia,Australia, America, iyo Europe, ".

 4:Waxaa laga yaabaa in mararka qaarkood dad ka dhigaya sideed "8" yagoo ku daraya badwaynada wadamada ku dhexyaala ayaa loosoo qataa qaraad wana sidan "Africa,Asia,Australia ,North America,South America, Antarctica,Europe, iyo Oceania". Mararka qaar waxaa laga yaabaa inaad aragti aasiya iyo yurub oo hal qaarad laga dhigo laguna magacaabo "Eurasia" "yurasiya". ,

Xigasho : Nations 

 Lasoco qaybo kale oo xiiso leh 

By Abshir Jaamac Saalax
abshirjaamac4@gmail.com

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha