Total Pageviews

Monday, June 7, 2021

Waa saboolka caadadiis

Qisada Heesta "Waa Saboolka Caadadii"

Waxaa jiray wiil iyo gabadh xidhiidh aad u qotodheer ka dhexeeyey,maalin maalmaha kamid ah ayey ballan yeesheen,wiilku wuxuu ahaa sabool aad u daran lakin gabadhu xoogaa way dhaantay nolol ahaan,markii ay ballameen ayaa wiilkii iman waayey goobtii iyo goortii ay ballameen,wiilku wuxuu ka imaanayey Lafoole oo uu wax kadhiganayey,gabadhii waxay timi goobtii ay ku ballameen laakin wiilkii ma iman maadaama aan gaadhi jirin jidka u dhexeeya Xamar iyo lafoole,aminta waxaa jirtay ciyaar ka dhacaysay garoonka muqdisho gawadhidii oo dhan halkaas ayey u leexdeen,gabadhii intay sugi wayday ayey dhaleecayn iyo canaan dusha uga tuurtau wiilkii saboolnimada xun ee lamaankeeda la lulanaysa .

Qisadaas waxaa hees kasameeyey Alle yarxamu fannaankii waynaa Cabdiqaadir xirsi yam yam,waxaana ku luuqaysa heeskaas Khadro daahir.

Heestaas waxaa kujiray 

mayaqaan suuraha 
Beentiyo sasabadee
Ma anigaan waqtiga sugin
Mise waayaha sidaa
     

Markale waxaa tiri:-

Ballantii masiidayn 
Seef wacadkii kumq jarin
Ma illoobin samihii 
Saaka aynu dhigaynee
Gaadiid socdaan jirin

Markale 

Waa saboolka caadadii
Gefkaa inuu sameeyee
Ma samraan sidii roon.

Abshir Jama

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha