Nin ayaa wuxuu yiri guursan maayo ilaa aan boqol nin latashado,wuxuu bilaabay tashigii ,markuu 99 nin latashaday oo ay iskhilaafeen ayuu yiri ninka boqolaad wuxuu igula taliyo ayaan qaadan ama guurkaba waa iska dayn,sidii u socday ayuu kusoo baxay nin sita maryo jeexjeexan oo ay kamuuqdo dayac wuxuu kuyiri war ninyahow arrinkaas baa i haystee ilatali,wuxuu ku yiri "Dumarku waa sadex "laka ,wacalayka iyo walaa laka walaa calayk' mid wax kuu ah iyo mid kaa ah iyo midaan waxna kuu ahayn waxna kaa ahayn, ama "Gabadh bikro ah ,garoob iyo mid carruur wadata ,wuxuu yiri waxaa guursataa ta bikrada ah ,iska ilaali labadaas kale .