Total Pageviews

Friday, April 14, 2017

Maxaa Hortaagan Ictiraafka Somaliland ?


Maamulka waqooyiga soomaaliya ee somaliland waxay mudo rubuc qarni ah  raadinayeen madax bannaani taas oo aanay ku guuleysan wali mana muuqato ifa faalo madaxbanaani oo hada jirta ,hadaba bal waxaan maanta isdul taagi doonaa dhawr qodob oo hortaagan goonu u goosatka ay doonayaan maamulkaas waqooyiga soomaaliya:-
-
1:Xeerkii AU-da ee 1964kii ee wadama afrika :- Xeerkaas wuxuu leeyahay "Ku eekow intaad haysato " xeerka waxaa loo dejiyey si aan afrika dib ugu kala go'in kadib xuduudihii uu dhigay gumaysigii oo wadan kasta ku eekaado xuduudihii loo calaamadshay oo aan la ogolaan in wadamo kale oo cusub kusoo kordhaan inta hada ay yihiin.


2:Dhibka lagu hayo dadkaas:- Aduunka wuxuu eegaa marka dad ama dawlad la siinayo madax banaani dhib intee leeg bay ku haysaa dawlada maamusha dadkaas waxaan aad muhiimada loo siyaa -
     B-Diinta "Religion"
     T-Midab "Race"
     J-Afka iyo ciday yihiin "Language ".
Somaliland mid kamida laguma dhibin


3:-Dawlada dalkaas ka jirta :qodobkan oo ah mid aad u muhiim aj caalamku wuxuu eegaa oo uga dambeeya dalkaas dawlada ka jirta xataa haday tahay dawlad jilicsan ka jirto meeshaas waa in ay fasaxdaa dadkaas doonaya inay go'aan .


4: Kaalmo Cid kale :Majirto dawlad xoog badan oo jiidaysa ama danaynaysa in ay helaan madaxbanaani ,tusaale ahaan koonfurta suudaan ha ahaadeen dad ka diin iyo dub duwan waqooyiga wadankaas hadana waxaa aad ugu ololaynayey oo taageerayey wadamo badan oo reer galbeed ah ha ugh horreeyo maraykanku ,Somaliland wali ma helin hal wadan oo ku taageeray madaxbanaanidooda


taas waxaa sii dheer in dad badan oo aqoonyahano iyo siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda waqooyiga u aaminsanyihiin midnimada soomaaliya yagoo ku dhexjira ama ka tirsan dawlada dhexe ee soomaaliya,kana haya xubno muhiim ah caalamakan la hortaagan soomaaliya waa mid mana kala go'ayso.
-
By Author Abshir jama
Share dheh

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha